Wednesday, January 25, 2017

Akhri Magacyada Shakhsiyaadka Caanka Ah Ee Lagu Dilay Hoteelka Dayax

a Xaalad degganaashiyo hadda laga soo sheegayaa Hoteelka Dayax oo Saaka ay weerar qaraxyo iyo Dagaal Toos ah ku qaadeen Ururka Al Shabaab.
Khasaaro kala duwan oo naf iyo maal ayaana ka dhashay weerarkaasi taas oo hadda la bilaabay in la qiimeeyo inta waxyeelada gaarsiisan yahay.
Dadka la aqoonsaday ee lagu dilay Hoteelka Dayax ilaa haatan waxaa ka mid ah Malaaqyo ka mid ahaa kuwii soo dhisay Maamulka Koonfur Galbeed Ee Shariif Xasan Sheekh Aadan Hogaamyo.
Ehelada Labo Malaaq ayaa waxay sheegeen in ay dhinteen oo hoteelka ay kusugnaayeen marka la weeraray kuwaasi oo kala ahaa Malaaq C/rashdiid C/salaan iyo Malaaq malaboow oo si weyn looga yaqaanay Gobollada Bay iyo Bakool.
Sidoo kale dhaawacyo Mas’uuliyiin Dawlada Katirsan Soo gaaray ayaa lasoo sheegayaa oo Hoteelka Degganaa inkastoo weli aan magacyadooda la helin. 

No comments:

Post a Comment