Banaanbaxyo rabshado wata ayaa aka dhacay gobolka Oromiya
Xukuumadda Itoobiya
ayaa ku dhawaaqday Lix bilood oo xaalad degdeg ah, ka dib muddo
bilooyin ah oo ay socdeen banaanbaxyo rabshado wata oo xukuumadda looga
soo hor jeedo, kuwaasoo ruxay gobolka dalkaas ugu weyn ee Oromiya.
Dad ayaa dhintay istii ay socotay xaflad-dhaqameed ay Oromadu lahaayeen
Ugu yaraan 500 oo qof ayaa dhintay tan iyo markii ay
banaanbaxyadu billowdeen November-tii kal hore. Dhawaan ayaa waxaa
waddanka soo maray isku dhacyo todobaad socday, kuwaasoo u dhaxeeyey
booliska iyo dad mudaaharaadayey, ka dib markii 55 qof ay ku dhinteen
isbuurasho dhacday intii ay socotay xaflad-dhaqameed ay dadka Oromadu
lahaayeen.
Ciidanka amaanka ayaa lagu eedeeyey inay awood xad-dhaaf ah adeegsadeen
Dadka banaanbaxayey ayaa ku eedeeyey ciidanka
amaanka inay sababeen dhimashada, waxayna bartilmaameedsadeen shirkadaha
shisheeye iyo dhismayaasha iyo gaadiidka xukuumadda intii ay
banaanbaxyadu socdeen.
Wasiirka warfaafinta ayaa BBC u sheegay inay ka shaqaynayaan faahfaahinta xaaladda degdegta ah ee dalka lagu soo rogay.
No comments:
Post a Comment