Monday, October 17, 2016

DAWO SAWIRADA : WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADA OO MADAXWEYNE SIILANYO KU QAABILAY SALAAN KA DUWAN TII AY WASIIRADU KU SOO DHAWEYEEN .

Hargeysa (Free Boss):- Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Cumar Maxamed Faarax oo ka mid ahaa xubno wasiiro ah oo madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey madaxweyne Siilanyo oo maanta dalka ku soo laabtey ayaa markii uu madaxweynuhu Wasiirada salaan la soo dhex maray waxaa uu wasiirkani ku qaabilay madaxweynaha salaan ka duwan tii ay dhigiisa wasiiradu ka qaabileen .
Wasiir Cumaar Faarax ayaa waxaa uu madaxweynaha u salaamay qaabka ay ciidamadu salaanta u kala qaataan waxaana xusid mudan in uu wasiirkani ahaa sarkaal ciidan oo ka tirsanaa dawladii siyaad Bare .
wasiirka-shaqada
free boss blogger 
Hargeisa

No comments:

Post a Comment