Shan milyan oo qof
oo Soomaali ah una dhiganta in ka badan 40% tirada guud ee Soomaalida
ayaan haysan cunto ku filan sida lagu sheegay warbixin cusub oo maanta
laga soo saaray magaalada Muqdisho, oo ay shaacisay Qaramada Midoobay.
Dadkaasi
waxa ku jira 300,000 oo carruur ah oo da'doodu ka hooseyso shan sano,
kuwaas oo ay hayso nafaqo darro iyadoo in ka badan 50,000 oo
carruurtaasi kamid ahna ay hayso nafaqo darro aad u ba'an.Yabooha Qaramada Midoobay
Warbixintan ugu danbeysay ayaa ku kordhisay 300,000 oo qof tirada hubanti la'aanta cuntadu haysay warbixintii tan ka horreysay ee la soo saaray bishii February ee sanadkan." Kooxaha gargaarku waxa ay u diyaarsan yihiin in ay labo jibbaaraan jawaabtooda ku aadan caawinta qoysaska la halgamaya in ay helaan cunto si ay ugu moodaan maalintii", sidaas waxaa shir jaraa'id oo Muqdisho lagu qabtay ka sheegay Iskduwaha Bini'aadannimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Peter de Clercq isagoo intaa ku daray "Qorasha ka jawaab celinta xaaladda bini'aadannimo ee Soomaaliya ee 2016 waa 32% qarashka loo hayay, waxana loo baahanyahay dhaqaale degdeg ah si kor loogu qaado jawaab celinta iyo dadaalada lagu doonayo si waxtar leh in loo abbaaro nafaqo darrada iyo si lo helo cunto", ayuu yiri Peter de Clercq.
Somaliland iyo Puntland
Dadaallada lagu yareynayo nuglaanta ayaa sii socda iyadoo taasi ay daciifisay isbadalka cimilada taasoo saamaysay xaaladda cuntada iyo nafaqada.Wax soo saarka dalaga ayaa wanaagsanaa qaybo ka tirsan Somaliland taasina waxa ay keentay in ay gacan kagaysato koboca miraha meelaha ay abaaruhu horey u saameeyeen.
Si kastoo ay ahaataba xaaladaha abaaraha ayaa wali ka sii jira deegaanno ka tirsan Somaliland iyo Puntland. Roobabka oo aan wanaagsanayn konfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa keenay in ay yaraato dalagyada wax soo saarka.
No comments:
Post a Comment