Wednesday, August 24, 2016

Dhulgariir ka dhacay Talyaaniga oo ay ku dhinteen ugu yaraan 37 qof+ SAWIRO


burburka dhulgariirkaImage copyrightFBB
Image captionGuryo badan ayaa ku burburay dhulgariirka

Dhulgariir wayn ayaa ka dhacay bartamaha Talyaaniga iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan 37 qof, boqol iyo konton kalena la la' yahay.
Dhulgariirka ayaa cabirkiisu yahay 6.2. Meeshii uu dhulgariirka ka dhacay ayaa u dhawayd magaalada Norcia oo u dhow Perugia.
Dhismayaal ayaa dumay maeelo badan iyadoo dad badan ay la la' yahay.
Duqa magaalada Amatrice ayaa sheegay in cod laga maqlayo burburka, dadkana in loo gurmanayo hal hal.
Gobolka Umbria, Lazio iyo Marche ayaa caan ku ah dalxiiska, waxaana jooga meesha dalxiisayaal badan waqtiga dalxiiska.

Burburka dhulgariirkaImage copyrightFBB
Image captionMagaalooyinka yar yar ayaa qasaaraha ugu wayn uu soo gaaray
Gurmadka dadkaImage copyrightFBBS
Image captionWaxaa hadda socda gurmadka
Burburka dhulgariirkaImage copyrightFBB
Image captionDhulgariirka ayaa dhacay xalay iyadoo waqti danbe oo la jiifay
AmatriceImage copyrightFBB
Image captionSawir magaalada Amatrice korkeeda oo muujinaya burburka

No comments:

Post a Comment