QORE: AXMED IBRAAHIM MAXAMEDMarka hore waxaan salaamayaa bahda shabakada caalamiga ah ee Free Boss Blogger iyo akhristayaasha sharafta leh ee kuxidhan, salaam ka dib waxaan jeclaystay inaan wax ka idhaahdo arin baryahanba maskaxdayda ka guuxayey oo aan jeclaystay inay walaalahay ila qaybsadaan taasi oo ah arin wadankeena curdinka ah guul u noqonaysa haddii wax laga qabto haddii kalena ay dhibaato ku ahaanayso, waxba yaanay afeeftu ila dheerane hadaan gunta u dhaadhaco oo aan arintan gudo galo waxay tahay,
wadankeena meel walba oo aad marto waxaad ku arkaysaa wado cusub oo la dhisayo ama mid hore u jirtay oo la hagaajinayo taasina waxay cadaynaysaa in wadankeenu horumar ka gaadhay dhanka wadooyinka oo ah laf dhabarta horumarka dalka taasina waa wax loogu mahadiyo cidii ka qayb qaadatay gaar ahaan xukuumada haatan jirta qofku hadduu wax kuu qabto inaad u sheegto way wanaagsan tahay sobobtoo ah qofku wuu ku dhiiranayaa wanaaga uu sameeyey.
soomaalidu waxay ku maah maahdaa nimco walba nusqaanteeda leh inagoo garanaya ahmiyada wayn ee wadooyinku ugu fadhiyaan wadanka hadan waxaa jira waxyaabo caqabad ku ah oo ay haboon tahay in la sheego si wax looga qabto haddii wax laga qaban karo hadii kalena kuwa cusub ee la dhisayo marka la bilaabayo qorshaha lagu darsado.
Arimaha aan is leeyahay waxay caqabad ku yihiin wadooyinka ee soboba inay markaaba burburaan waxaa ka mida arimahan hoos ku qoran:
1. marka la samaynayo sahanka (Reconnaissance) wadada waxaan haboon si dhab ah loo sahamiyo, tani waxay ka qayb qaadanaysaa in la helo macluumad lagu kalsoon yahay oo lagu xisaabtami karo, waana in aan lagu degdegin bilaabida wadada.
2. Marka la bilaabo samaynta wadada waa in la tix galiyaa meelaha la filayo inay biyo kaga yimaadan wadada oo loo sameeyaa meel ay maraan (Drainage) , arintani oo wadooyinkeena aanad ku arkayn wadaday doonto ha ahaatee waa sobobta ugu wayn ee wadooyinku markaaba u burburaan arintan waxaad aad u arkaysaa xiliga roobka oo ay biyuhu dulmaraan wadooyinka taasina waxay sobobtaa inay gooyaan wadada.
3. Waa ina wadooyinka marka la qorshaynayo (design) wado walba la sheego nooca xamuulka maraya iyo culayskiisa si loo ilaaliyo wadadu inay wakhti aad u dheer jirto tusaale ahaan waa in wadada lagu qoro culayska ay u adkaysan karto.
Waxaan hadalkayga ku gunaanadayaa intaan laga fikirin wado samaynteeda waa in qorshaha lagu darsadaa wax walba oo la is leeyahay wadada dhibaato ayay ku tahay, wadooyinkeena waxaa ku baxa lacag aad u qaaliya hadana waxaad markaaba arkaysaa iyadoo wadadii cusbayd dhowr sano ka dib la hagaajiyo, waxaan soo jeedinayaa in arimahaa aan soo sheegay maskaxda lagu hayo gaar ahaan dadka howshaa ku shaqo leh.
Email:axmed201@gmail.com
Hargeisa Somaliland
Free Boss Blogger
FBB MASUUL KAMA AHA ARAGTIDA DAD WAYNAHA
No comments:
Post a Comment