Sunday, June 12, 2016

Xaaladii U Danbaysay Ee Degmada Bali-dhiig + Ciidankii Ugu Badnaa Oo Gaaf Wareegaya Magaalada Iyo Jawiga Maanta

Xaaladii U Danbaysay Ee Degmada Bali-dhiig + Ciidankii Ugu Badnaa Oo Gaaf Wareegaya Magaalada Iyo Jawiga Maanta
Sawiro laga soo gudbiyey Xaalada Deegaanka Bali-dhiig ayaa muujinaya in deegaanku yahay mid degan marka la eego xaalada uu ku sugnaa Labadii maal mood ee la soo dhaafay
Arinta deegaanka Bali-dhiig ayaa waxay soo shaac baxday markii calanka somaliland ay jeex jeexeen Ciidan ka tirsan Liyuu Bolisku waxaana somaliland ay taasi kaga jawaabtay ciidan xoog badan oo iminka la geeyey deegaanka isla markaana soo taabtay dhamaan Deegaanada Xadka Itobiya aynu la wadaagno
Waftiga ayaa waxa hogaaminaya Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo waxaana ay xalay u hoydeen degmada Bali-dhiig sidoo kale waxa iyaguna goobta maraya ciidanka Sirdoonka somaliland oo baadhaya Calankii lagu jeex jeexay Degmada Bali-dhiig

No comments:

Post a Comment