,
isagoo tilmaamay in Somaliland iyo Somaliyaba ku meeraysanayaan
qodobo aan muhiim ahayn, waxaanu Somaliland kula taliyay inay abaarto
halka loo baahanyahay.
Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali
Caddami oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu
sheegay inaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ilaa hadda lagaga
wada hadal waxyaabihii loo baahnaa iyo arrimihii muhiimka ahaa. Wasiir
Cadami oo sidoo kale ka hadlay heshiiska Dekedda Berbera, ayaa ugu
horayn isagoo ka hadlaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya wuxuu
yidhi "Somaliland muddo 25-sanno ah ayey dawlad madax banaan ahayd, oo
shacabkeeda ayaa isla qaatay inay dib u soo ceshadaan dawladoodii,
Madaxweynuhuna wuxuu yidhi haddii ay Somaliland sidaas ahaanayso boqol
sanno lagama yaabo inay dib ula midowdo Somaliya, xaqiiqdiina lagama
yaabo inay Shacabka Somaliland dib ugu noqdaan Somaliya, balse anigoo ah
Wasiir kana tirsan Xukuumadda waan u madax banaanay fikirkayga, in aan
cabiro fikirkaygana xor baan u ahay. Wada hadaladan Somaliland iyo
Somaliya u dhexeeyey muddada ee soo jiitamaayey ilaa hadda muu midho
dhalin, itijaah dhab ah oo laga wada hadlayna muu jirin, wixii loo
baahnaa in laga wado hadlo iyo qodobadii muhiimka ahaa ilaa hadda lama
soo dhigin miiska wada hadalada, waxa lagu meeraysanayaa qodobo aan
daruuri ahayn, oo micno balaadhan lahayn. Qolada Somaliya waxay ku
adkaysanaysaa midnimadii inaguna waxaynu doonaynaa inaynu ka madax
banaanaano, waxay ahayd in qolada Somaliya soo dhigto miiska wada
hadalada sababta ay ku doonayso midnimada inaguna waxa inagu waajib ahaa
inaynu miiska keeno sababta keentay inaynu ka go'no ee keliftay inaynu
dib ula soo laabano xoriyadeenii iyo dhibaatooyinkii kala duwanaa ee
inagu dhacay, waxa kale oo ahayd inaynu xasuusino inaynu markii hore
ahayn dal madax banaan oo xoriyadiisa qaatay 26/6/1960, kadibna dib ula
soo laabatay dawladoodii, markaas waxaan soo jeedinayaa in qodobadan yar
yar ee mar walba la jabinayo waxba inoo tari mayaane, xaqiiqda aynu
kala hadalno Somaliya, oo aynu u sheegno inaynu mar kasta ku taaganahay
mawqifkeenii ahaa Somaliland".
Wasiirka Gaashandhiga Somaliland mar uu la hadlaayey Mucaaradka
iyo Muxaafidka wuxuu yidhi "Shirqoolo badan oo Somaliland lala damacsan
yahay ayaa jira, cadaw badana weynu leenahay, ee waxaan Muxaafid iyo
Mucaaradba leeyahay aynu ilaashano dawladnimadeena iyo qaranimadeena, oo
Shacabka ka ilaaliya hadalada hagardaamada ah ee aad isku weeraraysaan,
iskana dhawra wixii dhib inoo soo jiidaya,imikana waxa loo dabaal degi
doonaa 18-may, ee ka wada shaqeeya sidii magaca Somaliland meel kasta
loo gaadhsiin lahaa, ka wada shaqeeya sidii aynaan ula mid noqon lahayn
maamulada kale ee Somaliland lagu xumaynayo, Caalamkana tusa waxaynu
qabsanay iyo horumarka balaadhan ee aynu ku talaabsanay, halka aynu
marayno iyo halka ay Somaliya marayso".
Wasiir Caddami mar uu ka hadlaayey wareejinta Dekadda Berbera
ayaa yidhi "Anigu cimrigayba Dekada ayaan ku soo jiray, waana aqaana
Dekadda iyo qiimaha ay leedahay, waxaanan leeyahay Dekadda Berbera lama
wareejin, lamana rarin, ee waxay ku taalaa halkeedii, waxaana run ah oo
aan la qarin karin in Dekadda Berberi ay tahay Dekad caalamiya, in lagu
soo hirto oo la maalgashado waa loo baahan yahay, Dekadda waa la
balaadhinaya si ay u yimaadaan Maraakiib badani, badeecado badan ayaa
inooga soo degaya, cashuur badan baa inooga soo kordhaysa, shaqooyin
badan baa laga helayaa, markaas maaha in hadalo kharaab ah dadka si
khaldan wax loogu sheego, Xukuumadduna waxay doonaysaa inay dadkeeda wax
u soo kordhiso, ee ma doonayso inay wax ka korodhsato."
xigasho: qarninews.com
No comments:
Post a Comment