Xukuumadda siilanyo Oo Xidhiidhka U Jartay Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo Ka Mabnuucday Xafladaha Dawladda Iyo Xuska 18-ka May+Eedayn Kulul Oo Ay Dusha Ka Sareen Wasiirka Maxmauud Xaashi.
Hargeysa(Free Boss))Madaxtooyada somaliland ayaa xidhiidhka u goysay Koox Faneedka Caan baxay Ee Xidigaha Geeska oo ah muwaadiniin Reer somaliland ah oo Fadhigoodu yahay magalada Hargeysa.Wasiirka Cusub ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa amar ku bixiyey in anay Kooxda Xidigaha Geesku ka qayb gali doonin xafladaha muhiimka ah ee dawladda somaliland qabsanaysa iyo sidoo kale xuska Debaal dega maalinta xuska qaranimada somaliland ee 18-ka May oo inagu soo fool leh.siday Xidigaha Geesku u xaqiijiyeen Qarni news taasi oo layaab ku noqotay Xidigaha Geeska iyo bulshada somaliland,madama xidigaha Geesku ka mid yihiin fanaaniint loogu jecel yahay xilligan isla markaasina soo saaray Heesaha ugu fiican ee wadaniga ah looguna jecel yahay somaliland ee ay ugu talo galeen xusaska ay kow ka tahay 18-may.
Ilaa hada lama garanayo waxa ay uu ku saabsan yahay khilaafkan xukuumadda somaliland iyo Xidigaha Geeska balse waa arrin hada dibedda u soo baxday oo ay sheegeen in muddoba ay dhawraysay kooxdu iyaga oo eeday ugu wayna dusha ka saaray wasiirka cusub ee madaxtooyada Maxamud Xaashi,sida aad hoos ka dheehan kartaan qoraalka ay barahooda Facebook-ga ku baahiyeen Fanaaniinta Xidigaha Geesku.
No comments:
Post a Comment