Monday, April 11, 2016

Xasan Xanafi oo Saaka La Geeyay Tiirka Toogashada Muqdisho.

Muqdisho(Free Boss)Wararka aan ka helayno Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saaka Magaalada Muqdisho lagu toogtay Xasan Xanafi Xaaji oo loo heystay inuu ku lug lahaa dilal qorsheysan oo loo geystay Suxufiyiin lagu dilay Magaalada Muqdisho. Xasan Xanafi Xaaji,
ayaa saaka lagu toogtay Tiirka dilalka ee School Polozia , halkaasi oo ay goobjoog ahaayeen Madaxda maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Somaliya.
Maxkamada Darajada Koowaad ayaa horay xukun dil ah ugu riday Xasan Xanafi Xaaji, hayeeshe wuxuu ka qaatay Racfaan, iyadoo maxkamada sare ay sii adkeysay xukunkaasi.
Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay xukunka dilka ah ee saaka lagu riday Xasan Xanafi Xaaji.
Xasan Xanafi Xaaji ayaa Shabaab u qaabilsanaa qaybta Warfaafinta iyo beegsiga Suxufiyiinta ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Free Boss Blogger

No comments:

Post a Comment