1977kii markii Jabuti xoriyada ka qaadatay wadanka France Ismacil Omar Geele loo magacaabay taliyaha sirdoonka boliska D.jabouti iyo madaxa golaha wasiirada dawladii uu adeerkiis Hasan Guuled Abtidoon madaxwaynaha ka ahaa, Ismaciil Omar Geele mudo kadib waxaa deeq waxbarasho oo dhanka sirdoonka ah siiyay dawladii Soomaaliya (Somali National Security Service), kadibna waxa uu waxbarasho dhanka sirdoonka ah aqoon kororsi ka soo qaatay wadanka France (French Secret Service) mr. Ismacil Omar Geele xiligii uu wadanka France joogay waxay dawlada France kula talisay in uu xukunka wadanka adeerkiis kala wareego marka uu geeriyoodo kadib sidaasna uu ku xajiyo danta wadanka France ka leeyahay Jamhuuriyada D.jabuti, midaas badalkeeda waxaa Ismacil Omar Geele dawlada France u balan qaaday in ay marka uu xukunka qabto ay ku ilaalin doonto. D.jabuti, Hasan Guuled abtidoon waxa uu ahaa madaxwanhii ugu horeeyayay wadanka D.jabuti 1977-1999kii.
Intaa kadib waxaa
talada dalka lawareegay Ismaciil Cumar Geele, Waxa Madaxweyne Loo Doortay Markii
Ugu Horaysay 1999 ka Dib Markii Xilka uu ku Wareejiyay Adeerkii Xasan Guuleed
Abtidoon, Kaasi oo Dalka Xukumayay Ilaa Xornimadii Jabuuti ee 1977. Waxa
Madaxweyne Geelle Markale Dib Loo Doortay 2005, Markalena 2011. Doorashadii
2011 Waxa Si Xoogan u Qaadacay Mucaaradka, Taasi oo Keentay in Dad Badan La
Xidho Qaarna ay Dibada u Baxsadaan. Madaxweyne Geelle Waxa uu Mar Afraad kuguulguulaystay
Madaxtinimada dalkaDjibouti 5sanoo Ee soo socota. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Ama buur ahow
ama buur ku tiirsanow, Gofane Ismaciil Omar Geele ma ahayn nin aqoon leh ama
karti badan leh, mana ahayn wadani dadkiisa iyo dalkiisa usoo halgamay, hase
yeeshee waxaa uu ahaa markiisii horeba nin shacabka reer Jabuuti xiniinyaha u
hayay gumaysigii Farance, kadibna waxaa gacanta ku hayay oo Card ka siyaasada
soo ciyaarsiyay adeerkii oo madaxwayne ahaa oo aan caruur dhalin isaga
kaligiisna caruur u ahaa, mr. Ismaciil Omar Geele aqoonta kaliya ee uu leeyahay
waa sida xooga iyo siyaasada qaybi oo xukun ah wax loogu maamulo, waana
qaabkaas waxa uu xukunka wadanka D.jabouti ku hayo ilaa hada, mr, geele Jabuuti
waa nin ku fadhiya rabitaanka shacabka Reer Djibouti.
Mr. Geele muda dii u talada dlka hayay ayaa waxaa uu suura galiyay waxyaabo
lataabankaro sida xarumaha diyaaradaha, dedkedaha, laamiyada magaaladal
gudaheeda iyo tareemo casri ah kaasoo lafilayo mustaqbalka inuu ukala goosho Africa iyo Asia.
Free Boss Blogger
No comments:
Post a Comment