Wednesday, February 3, 2016

Vietnam oo xarun u noqonaysa teknoolajiyada+ sawiro xiisa badan oo laga diyaariyay

Eddie Thai iyo Binh Tran ayaa ah ganacsato Maraykan ah waxay aaminsan yihiin teknoolajiyada Vietnam inay leedahay mustaqbal wayn.
Eddie Thai iyo Binh Tran ayaa ah ganacsato dhalasho Maraykan ah haysta oo aad filaysid inaad kula kulanto xarunta Silicon Valley ee shirkadaha teknoolajiyada ee California.
Binh Tran iyo Eddi Thai ayaa wax ka aas aasay shirkadda teknoolajiyada ee Klout, ee uu ku iibiyay $200m sanadkii 2014.
Eddi Thai wuxuu wax ku bartay jamacadaha Harvard iyo Yale.
Laakiin labadooda ayaa go'aan ku gaaray inay shirkadooda ku aas aasaan meel ka fog California ee dalka Maraykanka ee ay ku yaalaan shirkadaha teknoolajiyada ee Google, Apple iyo Facebook.
500 oo ganacsi cusub ayaa xarun ka dhigtay magaalada Ho Chi Minh ee koonfurta Vietnam.

Image caption Magaalada Ho Chi Minh ayaa waxay soo jiidatay shirkadaha Samsung iyo Intel.
"Vietnam ayaa labaatankii sano ee ugu danbeeyay noqotay mid ka mid ah waddamada suuqoodu uu kordhayo ee adduunka." ayuu sheegay Mr Thai.

Image caption Daarta dheer ee 68-da dabaq ee Bitexco oo xarun u ah bangiyada ayaa ka mid ah daaraha dheer dheer ee ku yaal Ho Chi Minh city.
"Toban sano ka hor waxaa jiray oo kaliya afar milyan oo qof oo isticmaala internetka. Hadda waxaa isticmaala 40 milyan oo qof. Toban sano ka hor ma jirin dad isticmaala smartphone. Hadda waxaa jira 30 milyan oo isticmaala smartphone.
Hadaad eegtid waxbarashada Vietnam wax aqriska, xisaabta iyo sayniska waxay ka horaysaa waddamada sida Maraykanka iyo UK. Taas ayaa ah aas aaska maadada komputer sayniska ee ay Viatnam ku hormartay.
Dadka qaar ayaa waxay aaminsan yihiinin Vietnam oo ah waddan hantiwadaag ah, inay noqon karto meesha labaad ee teknoolajiyada xarunta u ah sida Silicon Valley ee Maraykanka.
"Hadaad halkan joogi lahayd lix bilood ka hor, halkan waxay ahayd beer bariis" ayuu yiri Hieu Minh Nguyen, isagoo ka hadlaya meel u dhow magaalada Ho Chi Minh City.
"Lix bilood gudahood waxaa laga dhisayaa Saigon Silicon City halkan. Waxaan dhisi doonaa daaro dhaadheer, wabiga agtiisa waxaan ku samaynaynaa jardiinooyinka adadka ay ku nastaan, meel lagu ciyaaro ciyaaraha golfka, tenniska iyo waxyaabo kala duwan oo lagu maadaysto".

Image caption Xarunta Sagon Silicon city ayaa rajaynaysa inay soo jiidato 1.5 bilyan oo dollar oo maalgashi.
In lagu hamiyo xarunta labaad ee Silicon Valley ayaa ah wax wayn. Laakiin Mr Hieu, oo ah maalgashade reer Viatname oo Maraykan ah madaxna ka ah mashruuca ayaa aaminsan inay dhacayso.
Samsung iyo Intel ayaa xafiisyo ku leh Ho Chi Minh City oo ah xarun shirkadaha teknoolajiyada. Waxaa shirkadaha soo jiidatay shaqaale wax bartay oo dhalinyaro ah iyo canshuur dhimis loo sameeyay.

free Boss Blogger

No comments:

Post a Comment