Thursday, January 7, 2016

Ugu yaraan afartan Ruux ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay Libya

Ugu yaraan afartan qof ayaa ku dhintay Bomb lala beegsatay xarun lagu tababaro boliiska ee galbeedka magaalada Zliten ee Libya.
Warfaafinta Libya ayaa sheegtay in la beegsaday xarunta tababarka ee al-Jahfal.
Xarunta tababarka ayaa ahayd saldhig milatari markii uu xukunka hayay Mucammar Qadafi.
Libya ayaa dagaalo ay ka socdaan tan iyo 2011 markii la riday Qadafi, waxaana jira walaac laga qabo in kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee (IS) ay xoog ku yeelato Libya.
faah faahin lasoco.

No comments:

Post a Comment