Wednesday, January 20, 2016

Pakistan: Jaamacad kutaal dalkaas oo la weeraray

Weerarka jaamacada Bacha ee Charsadda.
Ilaa sagaal iyo toban qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar is xabadayn oo ka dhacay Jaamacad waqooyi galbeed Pakistan. Dadka dhintay waxaa ka mid ah arday iyo shaqaale.
Konton qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka oo bilaabmay markii niman hubaysan ay soo weerareen jaamacada Bacha Khan ee Charsadda.
Milatariga ayaa sheegay in afar mintidiin ayaa la dilay, waxayna baarayaan jaamacada.
Lama hubo cida qaaday weerarka iyo hadii ay jiraan mintidiin kale oo hubaysan.
lasoco faah faahin 
free Boss

No comments:

Post a Comment