Sunday, December 27, 2015

Waxkabaro Taxane Taariikheedkii halgankii Sayyid Maxamed Cabdille Xassan (AHUN) iyo Daraawiishtiisii. --- Qaybta 1aad

Sayyidku wuxuu ku dhashay…balliga la yiraahdo Sacmadeeqa oo magaalada Buuhoodle toddoba mayl u jira, kana xiga dhinaca waqooyi…Wuxuu dhashay abbaaraha markay taariikhdu ahayd 1856.
Toddoba jir baa quraanka loogu bilaabay…Maxamed 12 jirkii buu Quraanka ku dhammeeyey…sidaas daraaddeed ayaa maxamad aabbihiis kutubka cilmiga ah ugu bilaabay… Hase yeeshee gadaalkii xertii buu ka mid noqday. [Culumo kale na wax wuu ka bartay].
Markuu da’ soddon ah gaadhey ayuu aaday Xijaas si uu xajka u guto aqoon kororsina u sameeyo. Halkaasuu kaga biiray xerta Saalixiyada oo uu hoggaaminayey Sheekh Maxamed Saalax oo reer Suudaan ahaa.
Soo noqoshadiisii wuxuu soo maray dhawr biloodna joogey magaalada Cadan.
1886 kii ayaa gumeysigii Ingiriisku la wareegay maamulka Berbera. 
1891 kii waxaa magaalada Berbera soo dagey koox Kiristaan ah oo furey dugsiyo diintooda lagu faafiyo.
1895 kii ayuu Xaaji Maxamed ka soo degay Berbera. Halkaasuu degay oo ku guursadey, ka na bilaabay dariiqadii Saalixiyada. Taasi waxay abuurtay in Xaaji Maxamed iyo wadaaddadii dariiqada Qaadiriyada ee magaalada u badnaa isku dhacaan.
Xaaji Maxamed wuxuu bilaabay inuu ka hadlo ka hadlo jihaad iyo la dagaallanka gaalada. Warkii waxaa la gaadhsiiyey taliskii gumeysiga.
Xaaji Maxamed wuxuu go’aansaday inuu Berbera ka baxo, baadiyahana u guuro. 1897 kii ayuu ka guurey isaga oo ay weheliyaan koox wadaaddo ahi.
Wuxuu socdaba wuxuu dagey Qoryaweyne ceel la yidhaahdo oo uu ka bilaabay mawlac lagu tukado waxna lagu barto. Halkaasuu ka sii wadey wacdigiisii, waana meeshii ugu horreysay ee Daraawiishi ka aasaasanto, dariiqada Saalixiyaduna ka bilaabato.
1899 kii ayuu warqad u direy Suldaankii beesha Ciidagale isagoo kala hadlaya in caroortoodii la gaaleysiinayo. Warqaddii waxay samaysay kacdoon kallifay in taliskii gumeysigu kooxdii Kiristaanka fidineysay dalka ka saaro, kaniisaddoodiina la xidho.
Isla 1899 kii ayuu Xaaji Maxamed isku dubbaridey ilaa 5000 oo qof, kuwaas oo wadey magaca Dawaariish. Waxaa la go’aansaday in diinta la nooleeyo, gaalada lagu jihaado, dariiqada cusub ee Saalixiyadana la faafiyo.
1899 kii dhammaadkiisii ayaa Garaad Cali oo ahaa garaadkii Dhulbahante la diley, isaga oo lagu eedeeyey khiyaano. Daraawiishi waxay ku sigatay inay kala yaacdo oo halkaa ku baaba’do.
Daraawiish waxay u guurtey dhanka galbeedka iyo carro Ogaadeen. Halkaasaa ololihii laga sii wadey. 
Ingiriiskuu wuxuu la xidhiidhay Xabashidii.
Bishii Maarso 5 dii 1900, ayaa Daraawiish iyo Xabashi dagaal ku dhex maray ceelka Jigjiga. Waa dagaalkii ugu horreeyey ee dhexmara Daraawiish iyo ciidan gumeysi.
Isla sannadkaas 1900 ayey Daraawiishi weerartay beelo lagu eedeeyey inay xidhiidh la lahaayeen gumeysiga. Duullaankan oo lagu macagaabo “Dayax-weerar” waa kii ugu horreeyey ee Daraawiishi ku xoolo kaga dhacdo Soomaali; ilaa 2000 oo halaad.
Sayyidkii markuu dareemay inuu xoogesytay, wuxuu amray in nin waliba beeshuu madaxda ka ahaa dariiqada keeno oo uu soo raro. Intii diidey waa la diley, oo weliba si aad u foolxun ayaa loo diley.
Dhacdadani waxay abuurtay tuhun iyo aamin-ka-bax ay ka dhasheen in ragga qaar qorsheeyaan shirqool ay ku dilaan Sayyidka, waxayna ku caanbaxday Shirqoolkii Gurdumi.
Daraawiishii goobtii way ka guurtey oo waxay u guurtey dhanka Waqooyi.
Raggii shirqoolka abaabuley waxay go’aansadeen inay ergo diraan oo ay Sayyidka iyo Daraawiish la heshiiyaan. Waxay xuleen 32 nin oo caqli iyo codkarnimo lagu doortay. Markii ay xaruntii Daraawiishta tageen ayaa la xidhxidhay. Sayyidku wuxuu codsaday in nin walba lagu furto 100 halaad! Muddadii la qabtay markay dhammaatay, mid labaad iyo saddexaad buu u qabtay, dabadeedna waa la laayey. Waxaa ku jirey Sayyidka seedigii oo qabey Tooxyar Cabdille Xasan.
Beeshii ragga laga laayey waxay qaylodhaan u dirsatay Xabashidii, oo col ay Soomaali garwadeenna u ahaayeen soo dirtay. Daraawiishii markay aragtay inaysan lahayn awood ay kula dagaallamaan lahayn, ayey u dib ugu guureen Nugaal oo ay ka soo baxeen kaddib dilkii Garaad Cali. Waxay dageen Badhan iyo xarun la magac baxday Fadhiweyn.
Ingiriiskii ayaa col ku soo bixiyey waxaana halkaa ka dhacay dagaalkii Afbakayle oo ahaa 3 dii Juun 1901.
Fardhidin waxay ahayd goobtii labaad ee Daraawiish iyo Ingiriis ku dagaallameen. 16 kii Luulyo 1901 ayey ahayd.
Beerdhiga waa goobtii saddexaad waxaana dagaalku dhacay 6 dii Oktoobar 1902.
Cagaarweyne waa dagaalkii afraad wuxuuna dhacay dhawr goobood oo kala duwan. Goobtii koowaad waxay ahayd Gumburo oo ahayd 16 kii Abril 1903.
Goobtii labaad ee dagaalkii Cagaaweyne waxay ahayd Daratoole (22 kii Abril 1903).
Sayyidkii warqad buu u diray Ingiriiska, isaga oo leh “haddaad dagaal doonayso waan ku faraxsanahay; haddaad nabad dooneysana raalli baan ka ahay; laakiin haddaad nabad rabtid dalkayga ka tag…"
Jidbaale waxay ahayd goobtii shanaad waana bishii Jannaayo ee 1903 dii.
Jabkii Jidbaale kaddib, sannadkii 1904 ayey Daraawiishii dhisatay qalcado ugu horreysay ee Daawad oo ku taalley Eyl. Waxaa kale oo ay dhisteen Badey, Ilig, iyo Gabbac.
21 kii Abril 1904 ayaa markab Ingiriis leeyahay weeraray ku dumiyey qalcaddii Ilig.
16 kii Oktoobar 1904 ayuu Sayyidku la kulmay ergey (Pestalozza) talyaanigu soo diray, si loo sameeyo heshiis u dhexeeya Daraawiish, Talyaani, Ingiriis iyo dadkii ku hoos noolaa, iyo Xabashida.
3 dii Maarso 1905 tii ayaa Pestalozza mar labaad ku soo noqday xaruntii Daraawiishta.
5 tii Maarso 1905 tii ayaa heshiiskii (Heshiishkii Ilig Dal-dala/ Pestalozza Agreement” la kala saxiixday.
24 kii Maarso 1905 tii ayaa heshiiskii la sii xoojiyey oo mar labaad lagu saxiixay Berbera.
---
La soco Qaybta 2aad...


No comments:

Post a Comment