Toddoba
jir baa quraanka loogu bilaabay…Maxamed 12 jirkii buu Quraanka ku dhammeeyey…sidaas
daraaddeed ayaa maxamad aabbihiis kutubka cilmiga ah ugu bilaabay… Hase yeeshee
gadaalkii xertii buu ka mid noqday. [Culumo kale na wax wuu ka bartay].
Markuu
da’ soddon ah gaadhey ayuu aaday Xijaas si uu xajka u guto aqoon kororsina u
sameeyo. Halkaasuu kaga biiray xerta Saalixiyada oo uu hoggaaminayey Sheekh
Maxamed Saalax oo reer Suudaan ahaa.
Soo
noqoshadiisii wuxuu soo maray dhawr biloodna joogey magaalada Cadan.
1886
kii ayaa gumeysigii Ingiriisku la wareegay maamulka Berbera.
1891 kii waxaa magaalada Berbera soo dagey koox Kiristaan ah oo furey dugsiyo diintooda lagu faafiyo.
1891 kii waxaa magaalada Berbera soo dagey koox Kiristaan ah oo furey dugsiyo diintooda lagu faafiyo.
1895 kii ayuu Xaaji Maxamed ka soo degay Berbera.
Halkaasuu degay oo ku guursadey, ka na bilaabay dariiqadii Saalixiyada. Taasi
waxay abuurtay in Xaaji Maxamed iyo wadaaddadii dariiqada Qaadiriyada ee
magaalada u badnaa isku dhacaan.
Xaaji Maxamed wuxuu bilaabay inuu ka hadlo ka hadlo
jihaad iyo la dagaallanka gaalada. Warkii waxaa la gaadhsiiyey taliskii
gumeysiga.
Xaaji Maxamed wuxuu go’aansaday inuu Berbera ka baxo,
baadiyahana u guuro. 1897 kii ayuu ka guurey isaga oo ay weheliyaan koox
wadaaddo ahi.
Wuxuu socdaba wuxuu dagey Qoryaweyne ceel la yidhaahdo
oo uu ka bilaabay mawlac lagu tukado waxna lagu barto. Halkaasuu ka sii wadey
wacdigiisii, waana meeshii ugu horreysay ee Daraawiishi ka aasaasanto,
dariiqada Saalixiyaduna ka bilaabato.
1899 kii ayuu warqad u direy Suldaankii beesha
Ciidagale isagoo kala hadlaya in caroortoodii la gaaleysiinayo. Warqaddii waxay
samaysay kacdoon kallifay in taliskii gumeysigu kooxdii Kiristaanka fidineysay
dalka ka saaro, kaniisaddoodiina la xidho.
Isla 1899 kii ayuu Xaaji Maxamed isku dubbaridey ilaa
5000 oo qof, kuwaas oo wadey magaca Dawaariish. Waxaa la go’aansaday in diinta
la nooleeyo, gaalada lagu jihaado, dariiqada cusub ee Saalixiyadana la faafiyo.
1899 kii dhammaadkiisii ayaa Garaad Cali oo ahaa
garaadkii Dhulbahante la diley, isaga oo lagu eedeeyey khiyaano. Daraawiishi
waxay ku sigatay inay kala yaacdo oo halkaa ku baaba’do.
Daraawiish waxay u guurtey dhanka galbeedka iyo carro
Ogaadeen. Halkaasaa ololihii laga sii wadey.
Ingiriiskuu wuxuu la xidhiidhay Xabashidii.
Ingiriiskuu wuxuu la xidhiidhay Xabashidii.
Bishii Maarso 5 dii 1900, ayaa Daraawiish iyo Xabashi
dagaal ku dhex maray ceelka Jigjiga. Waa dagaalkii ugu horreeyey ee dhexmara
Daraawiish iyo ciidan gumeysi.
Isla sannadkaas 1900 ayey Daraawiishi weerartay beelo
lagu eedeeyey inay xidhiidh la lahaayeen gumeysiga. Duullaankan oo lagu
macagaabo “Dayax-weerar” waa kii ugu horreeyey ee Daraawiishi ku xoolo kaga
dhacdo Soomaali; ilaa 2000 oo halaad.
Sayyidkii markuu dareemay inuu xoogesytay, wuxuu amray
in nin waliba beeshuu madaxda ka ahaa dariiqada keeno oo uu soo raro. Intii
diidey waa la diley, oo weliba si aad u foolxun ayaa loo diley.
Dhacdadani waxay abuurtay tuhun iyo aamin-ka-bax ay ka
dhasheen in ragga qaar qorsheeyaan shirqool ay ku dilaan Sayyidka, waxayna ku
caanbaxday Shirqoolkii Gurdumi.
Daraawiishii goobtii way ka guurtey oo waxay u guurtey
dhanka Waqooyi.
Raggii shirqoolka abaabuley waxay go’aansadeen inay
ergo diraan oo ay Sayyidka iyo Daraawiish la heshiiyaan. Waxay xuleen 32 nin oo
caqli iyo codkarnimo lagu doortay. Markii ay xaruntii Daraawiishta tageen ayaa
la xidhxidhay. Sayyidku wuxuu codsaday in nin walba lagu furto 100 halaad!
Muddadii la qabtay markay dhammaatay, mid labaad iyo saddexaad buu u qabtay,
dabadeedna waa la laayey. Waxaa ku jirey Sayyidka seedigii oo qabey Tooxyar
Cabdille Xasan.
Beeshii ragga laga laayey waxay qaylodhaan u dirsatay
Xabashidii, oo col ay Soomaali garwadeenna u ahaayeen soo dirtay. Daraawiishii
markay aragtay inaysan lahayn awood ay kula dagaallamaan lahayn, ayey u dib ugu
guureen Nugaal oo ay ka soo baxeen kaddib dilkii Garaad Cali. Waxay dageen
Badhan iyo xarun la magac baxday Fadhiweyn.
Ingiriiskii ayaa col ku soo bixiyey waxaana halkaa ka
dhacay dagaalkii Afbakayle oo ahaa 3 dii Juun 1901.
Fardhidin waxay ahayd goobtii labaad ee Daraawiish iyo
Ingiriis ku dagaallameen. 16 kii Luulyo 1901 ayey ahayd.
Beerdhiga waa goobtii saddexaad waxaana dagaalku
dhacay 6 dii Oktoobar 1902.
Cagaarweyne waa dagaalkii afraad wuxuuna dhacay dhawr
goobood oo kala duwan. Goobtii koowaad waxay ahayd Gumburo oo ahayd 16 kii
Abril 1903.
Goobtii labaad ee dagaalkii Cagaaweyne waxay ahayd Daratoole (22 kii Abril 1903).
Goobtii labaad ee dagaalkii Cagaaweyne waxay ahayd Daratoole (22 kii Abril 1903).
Sayyidkii warqad buu u diray Ingiriiska, isaga oo leh
“haddaad dagaal doonayso waan ku faraxsanahay; haddaad nabad dooneysana raalli
baan ka ahay; laakiin haddaad nabad rabtid dalkayga ka tag…"
Jidbaale waxay ahayd goobtii shanaad waana bishii Jannaayo ee 1903 dii.
Jidbaale waxay ahayd goobtii shanaad waana bishii Jannaayo ee 1903 dii.
Jabkii Jidbaale kaddib, sannadkii 1904 ayey
Daraawiishii dhisatay qalcado ugu horreysay ee Daawad oo ku taalley Eyl. Waxaa
kale oo ay dhisteen Badey, Ilig, iyo Gabbac.
21 kii Abril 1904 ayaa markab Ingiriis leeyahay
weeraray ku dumiyey qalcaddii Ilig.
16 kii Oktoobar 1904 ayuu Sayyidku la kulmay ergey
(Pestalozza) talyaanigu soo diray, si loo sameeyo heshiis u dhexeeya
Daraawiish, Talyaani, Ingiriis iyo dadkii ku hoos noolaa, iyo Xabashida.
3 dii Maarso 1905 tii ayaa Pestalozza mar labaad ku
soo noqday xaruntii Daraawiishta.
5 tii Maarso 1905 tii ayaa heshiiskii (Heshiishkii
Ilig Dal-dala/ Pestalozza Agreement” la kala saxiixday.
24 kii Maarso 1905 tii ayaa heshiiskii la sii xoojiyey
oo mar labaad lagu saxiixay Berbera.
---
La
soco Qaybta 2aad...
Xigasho
garanuug
http://free-bozz.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment