Sahra Axmed Jaamac, waxay ka mid tahay hablaha fanaaniinta Soomaaliyeed kuwa ugu caansan looguna jecel yahay. Sahra Axmed waxa la sheegay inay ku dhalatay degaan u dhaw magaalada Burco.
Waxay waxay ka mid noqotay dhawr kooxood, waxaana ugu caansanaa kooxdii hobolada Waaberi. Sahra Axmed waxa lagu lagu naanaysi jiray qoruxda fanka soomaaliyeed.
Sahara Axmed waxa la sheegay inay fanka ku soo biirtay sanadkii 1973-kii ilaa 75-kii.
Sahari waxa la sheegaa inay fanka ku bilowday heeso badan oo dhanka jacaylka ah, kuwaas oo dadka qaar sheegaan inay ku qotomeen qisooyin jacayl oo dhab ah.
Sahari waxa la sheegaa inay fanka ku bilowday heeso badan oo dhanka jacaylka ah, kuwaas oo dadka qaar sheegaan inay ku qotomeen qisooyin jacayl oo dhab ah.
Sahri waxay ka heestay dhinacyada wadaniga, jacaylka, guubaabinta, dhiirigelinta, amaanta, duco, wacyi’gelinta, wargelinta, wax-sheega iyo dhinscyo kale oo ka mida nolosha bulshada.
Heesaha fanaanada Sahra qaado waxaa ugu caansan oon soo qaadan karnaa:-
Heesta Raganimooy: heestani waxay si talan taali ah u wada qaadaan fanaanka Saalax Qaasin Naaji.
Heesta Beerlaxoswi
Heesta Gacantaada Midig
Heesta Beerlaxoswi
Heesta Gacantaada Midig
Qasiidada Nebi Amaanka ah, ee la yidhaa Rasuulkii Sharafta Mudanaa
Sahri inkasta oo aanay wali fanka ka bixin oo ay xiliyadan dambeba heeso badan qaadin, hadana fankeedu wuxuu ugu badnaa sanadihii 1978-kii ilaa 2004-tii.
Sahri inkasta oo aanay wali fanka ka bixin oo ay xiliyadan dambeba heeso badan qaadin, hadana fankeedu wuxuu ugu badnaa sanadihii 1978-kii ilaa 2004-tii.
Qoraalkan intii sax ahi waa sax wixii qaldanina waa wax la sixi karo, balse aan loo badheedhin, Ujeedadada kaliya ee aan ka yeeyahay waa in aad idinla qadaago taariikhdaa qiimaha leh.
Taariikhdana waxaan ka soo xigtay goob ka mida mareegaha Internet-ka, oo ka hadasha arrimaha suugaanta. Sahra Axmed waa fanaanad soomaaliyeed oo aad loo wada jecel yahay. Alle cimiriga ha dheereeyo Ameen.
No comments:
Post a Comment