Tuesday, December 16, 2014

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Wax Aan Laga Aqbali Karin Ku Tilmaamay Xadhiga Xildhibanada Awdal.

Hargaysa(Awdalpost))Guddoomiyaha Gudida Cadaalada Iyo Garsoorka Ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Ayaa ka hadlay Laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Dagmada Boorama oo Xalay Ciidanka RRU Xabsiga dhigeen. waxa uu sheegay in Xildhibaanadaasi ay Xasaanad Leeyihiin,Xukuumadun ay Sharcigii Dalkan u yaalay Ay Jabisay. Xildhibaanku waxa uu sheegay in Xalay Labadaas xildhibaan Lasoo Guura Galiyay Lana Geeyey Xabsiga Man-dheera iyaga oon La Marin Maxkamada, Golaha Deegaanka ay ka tirsan-yihiina Xasaanadii Aanay Kala noqonin. Shirjaraa’id oo uu Goor Dhawayd Magaalada hargaysa ku qabtay Ayuu Dhacdada Sida uu sheegay Foosha Xun ku Canbareeyey isaga oo sheegay in Ay Xukuumadani Dalka Fawdo ka ridayso Kuna Celinayso Dagaaladii Uu Kasoo kabtay. “Dhacdadii ugu Xumayd Waxa ay ahayd Xalay 12kii Habeenimo Laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama in ay Ciidankii RRU Guryahooda ugu Dhaceen Waana Lasoo qabtay Goor Habeen Badh ah, Waana nala Dhaafiyay waxaana La geeyey Xabsigii Man-dheera,Maxkamada la taagay Danbi lagu oogay iyo Gola Deegaan oo wax laga waydiiyay Majiraan,Xukuumada Am wasiirka Arimaha Gudaha Markii La waydiiyayna waxa Ay yidhaheen Xasaanada Maleh,Waana Been Wasiirka Hadalkaas yidhi Sida Ta Baarlamanku u leeyahay Xasaanada Ayuu Kana u leeyahay. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay.”Halkan waxaan ku cadaynayaa Malaa Xeer aynu akhrino Goor inoogu danbaysay Garan Maynee,waxa jira Xeer Lanbar 23 Oo 2002kii La abuuray,waxaana uu Cadaynayaa Xasaanada Ay leeyihiin Xildhibaanada Qodobka 25tanaad Dhawr sanaanta Xubinta Golaha Deegaanka,,Qodokaas 25tanaad Far-qadiisa 3aad waxa ay sheegaysaa Xubinta Golaha Deegaanka inaan la qaban Karin ilaa inta Golahiisa laga helayo Ogolaansho Oo ay Gacanta u taagayaan in ay Xasaanada Kala noqdaan. waxa uu xildhibaanku wasiirka Arimaha Gudaha somaliland ku adkeeyey inuu Xeererka Xildhibaanada Golaha wakiilada Guurtida iyo Golaha Deegaanka dib u eego,Kana Daayo Xidhiga Sharciga ka Hor imanaya,Waxaana uu Arinkaas Labada Xildhibaan Loogu Xidhay ku sifeeyey Dastuur Jabin Ay Xukuumadani Cagaha kula Jirto. “Noocii Xukuumadii Afwayne ayay Xukuumadani u dhaqmaysaa Ee shacabku ka dagalameen,Shanta kun ee qofna u dhintee,Dadkuna ku rogmeedan ayay Xukuumadani Dalka Maanta ku wadaa,Anigu waxaan ku hadlayaa Afka guddoomiyaha Gudida Cadaalada iyo Garsoorka ee golaha wakiilada somaliland,Arinta dalka ka dhacaysa ee duniibta gaysanaysa waa xukuumada,Shacabku Danbi maleh Nin Sarkaal ah oo la xidhayo arki Maysid oo iyaga uunbaad hadan Xabsiga la dhigayaa. Xukuumada Maanta talada dalka haysa Waxa uu ku sifeeyey inaanay Doonayn inuu Dalkani iyaga ka danbeeyo Halkii uu kasoo qaaday Maxamed Xaaji ibraahin Cigaalna ay dib ugu Celinayaan Sida uu sheegay iyaga oo adeegsanaya in ay Ciidanka RRU Ku baabiiyeen Meel walba oo Shacabku Joogaan. “Labada Xildhibaan ee Xidhan waa Xasan Maxamed Cumar,xildhibaan Ibraahin Axmed liibaan,waxaana jira 20 dhalinayro ah oo iyagana lagu daray Labada xildhibaan oo Markii ay ciidanku usoo daateen difaacay sida la sheegayo,arinkaas waan canbaaraynayaa Falkaas ay xukuumadu Markasta kula Kacayso Xildhibaanadii Xasaanada Lahaa ee shacabku Gacantooda ku soo doorteen. Maaha Markii ugu Horaysay ee xukuumadan Maanta talada dalka haysa Ay Xabsiga dhigto Xildhibaano Xasaanada Leh oo shacabku Soo doorteen,Waxaana Xabsiga La dhigay Maal-Mo Dhawayd 5 Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha wakiilada somaliland.

No comments:

Post a Comment