Wednesday, December 17, 2014
Berbera: Booliis rasaaseeyey koox hubaysan oo gaaf-wareegaysay agagaarka Shamiitada
Berbera(Awdalpost)Booliiska Berbera ayaa lagu soo waramayaa inay shalay rasaaseeyeen gaadhi la sheegay inay wateen sadex nin oo aan la aqoonsan waxay ahaayeen, waxaana la sheegay inay buuraha galeen.
Wararka ka soo baxaya rasaasta ay Booliisku rideen ayaa la sheegay inay ku dhacday gaadhiga ay kooxdaasi saarnaayeen, hase yeeshee wax khasaare Nafeed ahi muu gaadhin, waxaanay ka daadageen gaadhigii oo banjarsan.
Booliisku kumay guulaysan inay gacanta ku dhigaan kooxdan oo sida muuqata is-difaacday, waxaanay u yaaceen dhinaca Buuraha ku teedsan agagaarka shamiitada, halkaas oo la sheegayo inay ka taagan tahay xiisad ku lug leh Iskaraabka Wershadii Sibidhka Berbera.
Magaaladda Berbera ayaa lagu soo waramayaa inay Booliisku Amaanka Xoojiyeen, waxaana socda heegan culus oo lagu sugayo Nabadgelyada, maadaama uu ka taagan yahay dareen sababi kara iska hor imaad dhex mara koox diidan iskaraabka shamiitada iyo Booliiska.
wefti uu hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka ammniga Somaliland ayaa la filayaa in ay sidoo kale wax ka qabtaan dhaqdhaqaaqyo is bar bar socda oo la sheegay in ay ka dhasheen muran iyo is-mari waa ka aloosan Iskaraabka Wershada Sibidhka Berbera iyo dhulka uu ku yaalo Qabriga Madaxweynihii hore ee Somaliland Allaha ha u naxriistee Marxuum Maxmed X Ibraahim Cigaal, kuwaas oo la sheegayo midna inay dawladda Hoose ka qorshaynayso wadooyin iyo baloodho, halka mranka kalena uu ka taagan yahay cidii ay siisay dawlada dhexe iskaraabkii warshadii hore ee sibidhka Berbera, ay ka hor yimaadeen dadka dega deegaanka ay ku taallo warshaddu.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment